DHAGEYSO:Dadka deggan meelaha u dhow ilaha biyaha oo loogu baaqay in ay ka guuraan

0
506

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in golaha wasiirrada ay ku heshiiyeen in dadka deggan meelaha u dhow ilaha biyaha halkaasi laga daadgureeyo si aynan dhibaatooyin dheeraad ah u soo gaarin.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegaysa in la rajeynaya in roobabka culus ee da’aya ay sii socdaan bishan oo dhan.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka oo difaacay waxqabadka maamulkiisa ayaa xusay in xaaladda dhaqaale ee wadanka aynan ahayn sidii sanadkii hore.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay isbeddellada ku yimid qiimaha cuntada, sarrifka shilinka dalka iyo shidaalka.