Sarkaal ka shaqeeya maxkamadda Migori oo loo haysto inuu laaluush qaatay

0
370

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa ansixisay in maxkamadda la soo taago eedeysane lagu magacaabo Shadrack Odhiambo.
Waa gacan yaraha maxkamadda ismaamulka Migori wuxuuna ku eedeysan yahay in qof tuhmane ah uu ka qaatay lacag laaluush oo dhan 20,000 isagoo u ballanqaaday in aan lagu ridi doonin xukun culus.
ODPP ayaa laga soo xigtay in uu dalbaday 100,000 oo shilin balse uu qaatay 20,000.
Waaxda ayaa bayaan ku sheegtay in ay ka go’an tahay in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo hor istaagta maamulka cadaaladeed iyadoo ku tagriifalaysa geeddisocodka degsan.