Charles Kahariri oo loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka

0
547

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanle sare Charles Muriu Kahariri u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Waxaa uu beddelay Francis Omondi Ogolla oo isaga iyo 9 sarkaal oo kale ay 18-kii bishii hore ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Kahariri oo ka tirsan ciidanka ilaallada badaha ayaa horay u ahaa ku xigeenkii Ogolla.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale dallacsiiyay John Mugaravai Ornenda waxaana laga dhigay taliye ku xigeenka guud ee militariga wadanka.
John Mugaravai Ornenda ayaa horay u hoggaaminayay qaybta militariga ee ilaallada hawada ee Kenya Air Force waxaana beddeshay Fatuma Gaiti Axmed.
William Ruto ayaa taliyaha ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy u magacaabay Paul Owuor Otieno .
Sidoo kale Thomas Njoroge Ng’ang’a ayaa loo magacaabay maamule ku xigeenka jaamacadda qaran ee difaaca ee National Defence University u qaabilsan dhanka maamulka iyo maaliyadda.
Sidoo kale waxaa la dallacsiiyay Peter Nyamu Githinji oo laga dhigay agaasime sare oo dhanka shaqaaleysiinta u qaabilsan machadka qaran ee difaaca ee National Defence College.
Jariani Kampare Gula ayuu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay agaasimaha guud ee guddiga hilibka ee KMC.
George Okumu ayaa isna loo magacaabay agaasimaha guud ee waaxda warshadaha iyo soo saaridda cunnada halka Samuel Kosgel Kipkorir laga dhigay taliye ku xigeenka militariga hawada ee Kenya Air Force.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tallaabooyinkan qaaday ka dib markii ay la taliyeen xubnaha golaha difaaca ee uu guddoomiyo wasiirka gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale.
Xilka taliyaha guud ee ciidamada KDF ayaa waxaa isku wareejiya qaybaha militariga ee Kenya Army, kuwa ilaallada hawada ee Kenya Air force iyo laanta badaha ee Kenya Navy.