Waxaa maanta dacwad maxkamadeed lagu soo oogi doonaa saraakiisha sare ee guddiga qaran ee kaydinta dalagyada ee (NCPB).
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa ku lug lahaanshaha bacriminta aan tayo ahaan gaarsiisnayn heerkii la rabay ee beeralayda laga iibiyay .
Tuhmanayaasha la maxkamadeyn doono waxaa ka mid ah agaasimaha guud ee NCPB Joseph Muna Kimote, John Kiplangat Ngetich iyo maareeyaha guud ee suuqgeynta John Mbaya Matiri.
Saraakiishan ayaa la xiray ka dib markii waaxda dacwad oogidda dalka ay ansixisay in maxkamadda la soo taago iyaga iyo ganacsade fadeexaddan lala xiriirinaya.
Eedeymaha loo jeedinaya waxaa ka mid ah inay iska kaashadeen khiyaano iyo hagardaamo ay ku sameeyeen fal dambiyeed.