DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo madaxda iyo shacabka uga digay kala qaybsanaan

0
265

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha la soo doortay iyo dadweynaha uga digay in ay ku mashquulaan siyaasadda ku saleysan kala qaybinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda laga doonaya in ay qayb ka noqdaan xal u helidda dhibaatooyinka jira.
William Ruto ayaa dhaliil u jeediyay mas’uuliyiin uu sheegay in ay xoogga saaraan in ay caan noqdaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in qof kasta oo mas’uul ah oo adeegsado qabyaalad uu yahay mid aan lahayn qorsho horumarineed oo uu wax uga beddeli karo nolosha codbixiyeyaasha.
Ruto ayaa ku celceliyay in horumarinta dalka ay tahay arrin u wada taalla kenyaanka iyagoo isu geynaya awoodooda iyo raasimaalka qaran oo ay ka mid tahay canshuur bixinta.