Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobabka culus ee wadanka ka da’aya ay sii jiraan isbuucan iyadoo laga cabsi qabo in meelaha qaar uu dhul go’ saameeyo.
Agaasimaha guud ee waaxdan Dr. David Gikungu ayaa sheegay in meelaha ay roobabkan ka di’i karaan ay ka mid yihiin ismaamullada gobolka Waqooyi Bari.
Digniinta waaxda saadaasha hawada waxaa ka mid ah in fatahaado ay saameyn karaan meelaha uu jooggoodu hooseeya ama qaybaha magaalooyinka waawayn ee aan lahayn nidaam wanaagsan oo lagu maareeyo bullaacadaha.
Dr. Gikungu ayaa dadweynaha uga digay in ay ku dhex socdaan ama gaadiidka lagu dhex kaxeeyo biyaha socda.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay u badan tahay in roobabka culus ay sidoo kale weheliyaan dabeylo culus iyo biriq ama jac.
Agaasimaha ayaa shacabka ku boorriyay in ay gabbaad ka dhigtaan geedaha hoostooda si aynan u dhibaateyn jacda.
Dadka adeegsada doomaha ayaa sidoo kale lagu boorriyay in ay taxaddar muujiyaan maadaama ay suurtagal tahay in hirarka sarreeya iyo dabeylaha xooggan ay culeysyo ku keenaan howlahooda.
Ismaamullada la saadaalinaya in ay roobab culus ka da’aan waxaa ka mid ah Bungoma, Kakamega, Vihiga, Nandi, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Trans Nzoia, Nyamira, Kisii, Narok, Kajiado, Nyandarua, Kiambu, Nairobi, Machakos, Embu, Meru, qaybo ka mid ah Tharaka Nithi, Samburu, Kirinyaga, Murang’a, Laikipia, Marsabit iyo hareeraha Harada Lake Turkana .




