DHAGEYSO:Guddoomiyaha NAMLEF ee Garissa oo tacsi u diray dadkii looga geeriyooday doontii qallibmatay

0
506

Guddoomiyaha  dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta  wadanka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey  ayaa  tacsi u diray  dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen doontii ku qallibmatay  ismaamulka Tana River.
Waxaa uu sidoo kale  Alle ka baryay in  ay soo badbaadaan  oo  iyagoo nool la helo  dadka maqan ee weli la  raadinaya.

Sheekh Xasan Cabdullahi   Cameey ayaa dhanka kale  ku baaqay in dhammaan madaxda gobolka Waqooyi Bari ay iska kaashadaan  sidii wax looga qaban lahaa  waddada  isku xirta  Nairobi iyo Garissa  ee inta badan go’da marka ay roobabka da’aan.