Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaacisay in laga billaabo berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha Shanaad ee May la jebin doono guddiyada qaran ee qaabilsan in ay turxaan bixin ku sameeyaan aqoonsiga dalka ee kibaandhaha ee la soo codsado.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha waaxda socdaalka iyo diiwaangelinta muwaadiniinta Prof. Julius Kibet Bitok iyo dhigiisa arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo.
Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol-leeyahay wanaajinta bixinta aqoonsiga qaran.
Sidoo kale go’aankan ayaa ah mid lagu xoojinaya isla xisaabtanka si kenyaanka loogu fududeeyo helidda aqoonsiga qaran iyadoo aan la carqaladeyn amniga.
Sidoo kale adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa kaashan doono laamaha kale si loo sameeyo dabagal dheeraad ah oo aan aqoonsi loo siin qof aan u xaq lahayn.
Julius Bitok ayaa dhanka kale sheegay in hadii qof aan wadanka u dhalan la siiyo aqoonsiga qaran in lala xisaabtami doono guddoomiya xaafadeedka aaggaasi.
Xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka ayaa laga soo xigtay in ay jiraan qaar ka mid ah ajaaniibta oo marka ay si khiyaano ah ku qaataan aqoonsiga qaran fuliya weerarro argagixiso.
Waxaa uu xusay in sababta meesha looga saaray guddiyada turxaan bixinta ee aqoonsiga qaran ay tahay in laga gudbo takoor jiray.
Xoghayaha ayaa sheegay in laga billaabo berri aynan jiri doonin turxaan bixin la xiriirta qaadashada shahaadada dhalashada , aqoonsiga qaran iyo baasaboorka dalka.
Bitok ayaa laga soo xigtay in iyadoo la adeegsanaya horumarka tiknolojiyadeed , la is waafajin doono nidaamyada kala duwan ee diiwaangelinta shahaadooyinka dhalashada, diiwaangelinta rayidka iyo baasaboorka si marka la doonaya in qofka la aqoonsado loo eego macluumaadka kaydsan ee laga haya.
Xoghayaha waaxda socdaalka iyo diiwaangelinta muwaadiniinta Prof. Julius Kibet Bitok ayaa sheegay in caqabadaha la xiriira geeddisocodka turxaan bixinta uu saameeyay 20 ka mid ah ismaamullada wadanka oo ay ku jiraan kuwo ku yaalla gobollada xuduudda iyo magaalooyinka waawayn sida Nairobi,Mombasa iyo Nakuru.
Waxaa uu tilmaamay in shacabka ku nool ismaamullada xuduuddada ku teedhsan ay in badan ka cabanayeen bixinta dokumeentiyada qaran ee aqoonsiga hasa ahaate xeerarka cusub ee la soo saaray ay dardargelin doonaan geeddisocodkan.




