Shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay in ay hakisay safarradii ay diyaaradaheeda ku tagi jireen magaalada Kinshasa ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Tani ayaa timid ka dib markii shaqaalaheeda lagu xiray wadankaasi.
Waxaa arrinkan bayaan ku xaqiijiyay agaasimaha guud ee Kenya Airways, Allan Kilavuka.
Mas’uulkan ayaa xusay in tallaabada lagu xiray shaqaalaha shirkadda ay adkeysay in la kormeero howlaheeda gudaha dalkaasi.




