DHAGEYSO:Ugu yaraan 48 qof oo ku dhintay Nakuru

0
375

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ugu yaraan 48 qof ay ku dhinteen Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru ka dib markii uu soo fatahay biyo xireen.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Naivasha ,Stephen Kirui ayaa sheegay in weli ay socdaan howlaha samatabixinta iyadoo la raadinaya 65 ruux oo kale.
Barasaabka ismaamulka Nakuru ,Susan Kihika ayaa shaacisay in aan wax lacag ah laga qaadi doonin dadka ay dhibaatadan saameysay ee lagu daryeelaya isbitaallada kala duwan.
Waxay intaasi ku dartay in ku dhawaad 110 qof ay isbitaallo ku jiraan.
Dhibaatada saameysay Nakuru ayaa hakad gelisay isku socodka gaadiidka ee Nairobi-Mai Mahiu-Nakuru ilaa Narok .
Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KENHA) ayaa shaaciyay in si ku meel gaar ah loo xiray waddada xiriirisa Narok iyo Mai Mahiu ka dib burbur soo gaaray iyadoo gaadiidleyda lagu boorriyay in ay waddooyin kale adeegsadaan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka ka codsaday in iyadoo ay dowladdu dadaalaysa in haddana ay dhankooda taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo aynan naftooda halis gelin.
Waxaa uu digniin gaar ah u diray wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ee isku dayaya in ay rakaabka ka gudbiyaan meelaha halista ah.

Ilaa iyo hadda waxaa roobabka culus ee wadanka ka da’aya iyo daadadka ka dhashay ku dhintay 169 qof guud ahaan wadanka.