Kindiki oo amray in kormeer lagu sameeyo biyo xireennada

0
337

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ee ismaamullada wadanka ku amray in ay kormeer ku sameeyaan biyo xireennada dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo meelaha biyo-qabadka ah.
Waxaa uu xubnaha guddiyadan amar ku siiyay in kormeerka ka dib ay soo jeediyaan talooyin ku aaddan meelaha ay qasab tahay in dadka laga daadgureeyo iyo dib u dejinta ku meel gaarka ah ee loo baahan yahay.
Kindiki ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in ay qasab tahay in kormeerka lagu sameeyo 24 saacadood gudahooda.
Amarka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkan ay daadadka saameeyeen ka badan 200,000 oo qof.
Dhanka kale wasiir Kindiki ayaa amray in meelaha daadadka u nugul iyo waddooyinka ay biyuhu ku badan yihiin la geeyo saraakiil gaadiidleyda iyo shacabka ka hor istaagaya in ay goobahaasi gudbaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cidii isku dayda in ay ka gudubto meel ay nolosheeda khatar ku galaysa in la xiraya ka dibna lagu soo oogaya dacwad ah in qofkaasi uu isku dayay inuu is dilo.
Sidoo kale guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ee ismaamullada ayaa lagu amray in ay gacanta ku dhigaan doomooyinka aan la hubin badqabkooda ee ka faa’iidaysanaya xaaladda jirta iyagoo isku dayaya in ay dadweynaha ka gudbiyaan biyaha.