Madaxweynaha dalka oo dhaqaale dheeraad ah ka codsaday Ururka IDA

0
379

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa madaxda kale ee waddamada qaaradda Afrika ku hoggaamiyey codsi la xiriira in ururka caalamiga ee horumarka ee IDA ee Bangiga Adduunka uu ku deeqo maalgelin dheeraad ah.
Ururkan ayaa waddamada uu dhaqaalahoodu hooseeya ku taageero deeqo iyo amaah dulsaar leh oo ay muddo dheer ku bixin karaan taasi oo loogu talagalay arrimaha horumarka.
William Ruto ayaa ku taliyay in marka la gaaro sanadka 2030-ka , awoodda maalgelineed ee ururka IDA ay noqoto saddex jibbaar oo la gaarsiiyo 279 bilyan oo doolar.
Waxaa uu tilmaamay in tani aynan keliya ku nafisi doonin waddamo badan oo ka tirsan Afrika iyo kuwo kale oo uu dhaqaalahoodu kobcaya maadaama ay wajahayaan culeysyada deymaha balse sidoo kale lagu heli doono kheyraadka loo baahan yahay si looga faa’iidaysto raasimaalka qaaradda .
Arrintan ayuu maanta ka sheegay shir madaxeedka Afrika ee ah midkii 21-aad ee ururka horumarka caalamiga ee IDA kaasi oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoggaamiyaasha dalalka iyo dowladaha qaaradda Afrika ku boorriyay in ay doorkooda ka qaataan sidii loo ilaalin lahaa habdhaqanka wanaagsan ee dhanka maareynta maaliyadda.
Waxaa uu ku taliyay in sare loo qaado abaabulka dakhliga maxalliga ah , in la dejiyo xeerar soo jiidanaya maalgashatada iyo in la xoojiyo tallaabooyinka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waxaa shirkan ka qayb galay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ,Samia Suluhu (Tanzania), Evariste Ndayishimiye (Burundi), Nana Addo Dankwa Akufo-Addo (Ghana), Lazarus Chakwera (Malawi), Julius Maada Bio (Sierra Leone), Azali Assoumani (Comoros), Maxamad Ould Ghazouani (Mauritania), Faustin-Archange Touadéra ( Afrikada Dhexe ee CAR), Andry Rajoelina (Madagascar) iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad, dhigiisa Guinea Amadou Oury Barh ,Nadir Larbaoui (Algeria) iyo madaxa Bangiga Adduunka Ajay Banga.