20 qof oo ku dhintay daadad xalay saameeyay Mai Mahiu ee ismaamulka Nakuru

0
456

Waxaa la xaqiijiyay in 20 qof ay dhinteen ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay roob xalay halkaasi ka da’ay ay baabi’iyeen dhowr guri oo ku yaalla tuulada Kamuchiri ee deegaanka hoose Mai Mahiu ee ismaamulka Nakuru.
Sidoo kale biyaha fatahaadda ayaa ka yimid webi aagsi ka ag dhow oo karkaarrada jabsaday xalay, sida ay laga soo xigtay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya Red Cross.
Taliyaha booliiska ee magaalada Naivasha ee dowlad deegaanka Nakuru Stephen Kirui oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa xusay in dhowr qof oo kale la soo badbaadiyay loola cararay xarumaha caafimaadka si loo dabiibo.