Saddex qof oo isku qoys ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigooda oo ku yaalla magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay afar qof oo kale.
Dhanka kale waxaa xalay duqeymaha Israa’iil laga soo tabiyay degmooyin dhaca Waqooyiga Qaza sida Beit Lahiya, Beit Hanoon iyo Jabalia .
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 34,183 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 77,143 kale.