Ka dib roob culus oo xalay ka da’ay ismaamulka Nairobi ayaa waxaa qiimeyn sameynaysa hay’adda Kenya Red Cross.
Bayaan ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in ay howlwadeeno gaysay xaafadaha sida Mukuru Kwa Njenga,Fuata Nyayo,Land Mawe , Mukuru Kayaba , Kibra, Kayole, Soweto, Lavington iyo Kawangware si loo ogaado saameynta rasmiga ee roobka.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisheeda laga howlgeliyay ismaamulka Machakos ka dib qaylo dhaan ka soo yeertay xaafadda Syokimau .
Waxaa gudaha Nairobi ka socdo dadaallada samatabixinta.
Saameynta ugu badan ayaa waxay soo gaartay qoysaska deggan hareeraha webiga Ngong River oo ay biyihu buuxdhaafeen.
Hay’adda ayaa sheegtay in xaaladdu ay daran tahay maadaama ay saameyn ku timid boqolaal qoysas ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegaysa in la rajeynaya in toddobada cishe ee nagu soo aaddan ay roobab culus ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa meelahan ka mid ah buuraleyda bariga iyo galbeedka Rift Valley,Nairobi, aagga Harada Lake Victoria ,meelaha hooseeya ee Koonfurta Bari , Xeebta , Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Kenya.