Hay’adda Laanqayrta Cas oo sheegtay in 14 qof laga soo badbaadiyay daadadka

0
238

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay in ka dib markii uu saaka karkaarrada jabsaday webiga Athi River, in biyaha ay 19 qof kula tageen degmada Kinanie ee ismaamulka Machakos .
Ilaa iyo hadda waxaa la soo samatabixiyay 14 qof oo dadkaasi ka mid ah.
Shakhsiyaadka la soo badbaadiyay ayaa isugu jiro 10 ruux oo waawayn iyo 4 carruur ah.
Waxaa weli socdo dadaallada lagu soo samatabixinaya shanta qof oo kale.
Waxaa howlaha samatabixinta iska kaashanaya koox ka tirsan waaxyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hay’adda Laaqayrta Cas ee dalka iyo dowladda hoose ee ismaamulka Machakos.