Oburu Odinga oo ay wada dhasheen madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo shilkii diyaaradeed ee Khamiistii ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Waxaa shilkaasi ku nafwaayay taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta General Francis Omondi Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale.
Oburu Odinga ayaa doonaya in dhacdadaasi baaritaan qoto dheer lagu sameeyo si loo soo afjaro waxyaabaha aan xaqiiqada ku saleysnayn ee shilka ka dhashay.