Israa’iil oo 8 qof ku dishay Rafah

0
137

Waxaa lagu soo warramayaa  in weerar ay ciidamada  Israa’iil ka  gaysteen  magaalada  Rafah ee  Koonfurta Qaza  lagu dilay  8 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ka mid ahaa   6 carruur iyo haweeney uur lahayd.
Wararka ayaa intaasi ku  daraya  in dhakhaatiirta  ay ku   guulaysteen  inay soo badbaadiyaan  canugii ay hooyada la dilay uurka ku sidday.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay  ugu yaraan 34,049 qof oo Falastiiniyiin ah halka  la dhaawacay 76,901kale.