Waxaa maanta la aasi doonaa meydka taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ee geeriyooday Francis Omondi Ogolla.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xubnaha qoyskiisa.
Aaska ayaa sidii uu jeclaa ama ku dardaarmay ka dhici doono tuulada Mor Village ee ismaamulka Siaya ee gobolka Nyanza.
Taliyihii militariga ayaa horay ugu dardaarmay in marka uu geeriyoodo , meydkiisa la aaso 72 saacadood ama saddex cishe gudahooda.