Ka dib roobab culus oo ka da’ay waddamada Pakistan iyo Afghanistan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen daadad, dhul go’ iyo dabeylo xooggan.
Meelaha dhibaatooyinkan laga soo tabiyay waxaa ka mid ah gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Waqooyiga Galbeed ee Pakistan.
Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Shehbaz Sharif oo khudbad jeediyay ayaa maamullada ku amray in ay shacabka u gargaaraan.
Sidoo kale maamullada Koonfurta Galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Maamulka qaran ee qaabilsan maareynta musiibooyinka ee (NDMA) ayaa hay’adaha bixiya adeegyada degdegga ah ku boorriyay inay feejignaadaan.




