Biden oo wacad ku maray ka falcelinta weerarradii Iiraan ee Israa’iil

0
234

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.
Waxaa uu wacad ku maray in dalladda 7-da waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee (G7) ay falkaasi ka bixin doonaan falcelin adag.
Biden ayaa soo gaabiyay safar uu ku tagayay gobolka Delaware wuxuuna dib ugu soo laabtay Washington DC si uu kulan ula qaato la-taliyaashiisa dhanka ammaanka.
Bayaan ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa arrimahan shaaca looga qaaday.
Weerarrada lala eegtay Israa’iil ayaa xalay dhacay.