Booliiska ismaamulka Kirinyaga oo gacanta ku dhigay wiil 17 sano jir ah oo dilay ina adeerkii

0
226

Waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay arday 17 sano jir ah oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga sare kaas oo la xiriirinaya dilka wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo 12 sano jir ahaa.
Eedeysanaha ayaa baxsaday ka dib markii uu falkan shalay gaystay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay deegaanka hoose ee Kagio ee ismaamulka Kirinyaga.
Taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Kirinyaga Andrew Naibei, ayaa sheegay in eedeysanaha saaka laga soo qabtay guriga adeerkii oo ku yaalla deegaanka Ruaka ee ismaamulka Kiambu.
Maxaa cadda sababta uu eedeysnaha uga takhalusay ina adeerkii.
Booliiska ayaa haatan billaabay baaritaanno dhacdadan la xiriira.