Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay , weerarrada Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 63 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa la dhaawacay 45 kale oo dheeraad ah.
Dhanka kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in burburka laga gaystay magaalada Khan Younis oo si gaar ah u saameeyay waaxda caafimaadka uu yahay mid aynan cidna suuraysan Karin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil shaacisay in ay ciidamadeeda halkaasi ka saartay.
Madaxa hay’adda horumarka caalamiga ee Maraykanka ee USAID , Samantha Power ayaa noqotay mas’uulkii ugu horreeyay ee Ameerikaan ah oo si fagaare ah u sheegtay in ay macluul ka jirto Waqooyiga Qaza.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay qaramada midoobay ku waafaqday qiimeyn la xiriirta gaajada oo laga sameeyay Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ,waxay Israa’iil Qaza ku dishay ugu yaraan 33,545 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 76,094 kale.