Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u sheegay in laga doonayo inuu ka shaqeeyo sidii heshiis xabbad joojin oo degdeg ah uu uga dhaqangeli lahaa Qaza.
Waxaa uu Netanyahu ku boorriyay inuu dhexdhexaadiyeyaasha wada hadallada nabadeed ku matalaya Israa’iil uu garab ku siiyo sidii is-afgarka loo gaari lahaa iyadoo aan la sii dib dhicin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,037 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 75,668 kale.