Baarlamaanka oo billaabay turxaan bixinta safiirro la soo magacaabay

0
402

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha difaaca , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa billaabay inuu turxaan bixiyo shakhsiyaad uu madaxweynaha wadanka William Ruto u soo magacaabay xilalka danjirennimo.
Waxaa saaka guddigan hor tagtay Catherine Kirumba Karemu, oo haddii la ansixiyo noqonaysa safiirka Kenya ku matasha Ingiriiska.
Kirumba ayaa guddiga u sheegtay in qiimaha hantideeda uu yahay 250 milyan oo shilin.
Waxaa su’aallo laga waydiiyay sida ay shaqada safiirnimo uga soo bixi karto iyadoo aan waaya aragnimo u lahayn dhanka dibloomaasiyadda , waxa ay ka qaban karto tallaabada qaadka looga mamnuucay Yurub iyo sida ay sare ugu qaadi karto howlaha dalxiiska.
Sidoo kale waxaa maanta baarlamaanka hor tagay guddoomiye ku xigeenkii hore ee ismaamulka Kisii Joash Arthur Maangi oo loo soo magacaabay safiirka Kenya ee Uganda.
Shakhsiyaadka kale ee la turxaan bixin doono waxaa ka mid ah Lilian Tomitom oo Kenya ku matali doonto Zambia ,Jonah Mwangi-(Iiraan) iyo Caroline Kamende (Canada)