DHAGEYSO:Guddoomiyaha naafada ee Garissa oo baaq diray

0
417

Guddoomiyaha guddiga dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee ismaamulka Garissa Aadan Bile ayaa ku baaqay in carruurta aan hadli karin ee qabo xaaladda loo yaqaano Autism la geeyo goobaha waxbarashada.

Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Garissa Township Major Deqow Maxamad Barrow oo ka qeyb galay maalinta World Autism oo shalay lagu qabtay Garissa ayaa waalidinta ugu baaqay in carruurta xaaladaas la nool aan xaafadaha lagu hayn oo dugsiyada la geeyo.