Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Booliska imaaraadka oo sheegay in ay buriyeen 39 isku-imaatin dadweyne ah

Booliska imaaraadka oo sheegay in ay buriyeen 39 isku-imaatin dadweyne ah

Ciidamada ammaanka ee isu tagga imaaraadka carabta ayaa sheegay in tan iyo intii uu billowday soonka bisha Ramadaan la sameeyay 39 isku imaatin dadweyne ah.
Saraakiisha ayaa shacabka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
Waxaa guud ahaan gudaha imaaraadka mamnuuc ka ah isku imaatinnada dadweynaha .
Booliska ayaa sheegaya in dadka ka qayb galay kulamadan iyo kuwa soo qaban qaabiyay lagu wareejiyay waaxda qaabilsan dacwad soo oogidda la xiriirta xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka si shakhsiyaadkan tallaabo sharciyeed looga qaado.
Gudaha dalkaas xita lagama oggolo in dadka ay isugu yimadaan afurka iyo wax cunka kale.
Qof kasta oo soo qaban qaabiyo kulan dadweyne waxaa la saarayaa ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo dirham oo u dhiganta 294,546 lacag Kenya halka cid kasta oo ka qayb gasho la dul dhigaya 5,000 dirham oo ganaax lacageed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments