Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa kenyaanka u xaqiijisay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii xal loogu heli lahaa shaqo joojinta ay dhakhaatiirta ku guda jiraan in ka badan labo toddobaad.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Kakamega ayay wasiiradda sheegtay in heshiiska ay xubnaha ururka KMPDU cuskanayaan la saxiixay sanadkii 2017-kii sidaasi awgeedna ay jiraan qaladaad u baahan in la saxo.