Maxkamadda sare ee dalka qaybteeda ismaamulka Kiambu ayaa hakisay dhaqangelinta warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ee matalayay isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya.
Arrintan ayaa hakad ku jiri doonta ilaa iyo inta ay maxkamadda ka soo gabagabeynaysa dhageysiga dacwad uu u gudbiyay mid ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Michael Muchemi.
Waxaa go’aankan maxkamadeed soo saartay garsoore Dora Chepkwony.
Shakhsiga dacwadda u gudbiyay maxkamadda ayaa ku dooday in isku day kasta oo lagu doonayo in baarlamaanka uu meel mariyo warbixintii NADCO ay dalka ub horseedi doonta qalalaase dastuuri ah oo aan horay loo arag.
Warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ayaa hor taalla golaha qaran ee xeer dejinta.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo hakisay dhaqangelinta warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada...