6 qof oo Kenyaan ah oo lagu dilay degmada Dhoobley

0
826

Kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa 6 qof oo Kenyaan ah shalay ku dishay degmada Dhoobley oo u dhow ismaamulka Garissa gaar ahaan sohdinta ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Dadka la dilay ayaa ahaa ganacsato u gudbay dhanka Soomaaliya, iyadoo rag hubeysan oo wejiyada u duubnaa oo watay gaari nooca probox-ka ah ay si bareer ah u toogteen lixda qof.
Afar ka mid ah 6 qof ee la dilay ayaa isla goobta ku geeriyooday halka labada ruux ee kale ay dhinteen xilli laga dabiibayay dhaawacyo soo gaaray.
Taliyaha ciidamada booliiska ee ismaamulka Garissa John Samburumo ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay isla markiiba baxsadeen ka dib markii falkaasi ay gaysteen.
Waxaa uu ganacsatada kenyaanka ah ee ku sugan aaga dhacdadan laga soo tabiyay ka codsaday in ay feejignaadaan.
Dhanka kale, guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Garissa, Maxamad Ramadaan ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarkaasi lagu dilay lixda qof ee keenyaaka ah.