Wasiirkii caafimaadka ee Ciraaq oo shaqo joojin lagu sameeyay

0
278

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa al-Kadhemi ayaa lagu soo warramayaa in uu si ku meel gaar ah shaqo joojin ugu sameeyay wasiirkii caafimaadka ee wadankaas Xassan al-Tamimi.
Tani ayaa timid ka dib markii dab ka kacay isbitaal ku yaalla caasimadda Ciraaq ee Baghdaad ay ku dhinteen ugu yaraan 82 qof halka in ka badan 110 qof ay ku dhaawacmeen.
Go’aanka shaqada looga eryay wasiirka caafimaadka ayaa timid ka dib markii baraha bulshada si weyn loogu dalbaday in tallaabo laga qaado.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa sidoo kale ku dhawaaqay saddex cisho oo baroordiiq qaran ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here