Dowladda oo in ka badan 15 milyan oo maro kaneeco ah u qaybinaysa 27 ismaamul

0
308

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay daahfurtay olole 27 ka mid ah ismaamullada dalka oo uu ku badan yahay cudurka duumada ama malaariyada loogu qaybinaya maro kaneeco dhan 15.7 milyan oo la daweeyay.
Ololahan ayaa billaaban doono 30-ka bishan Afaraad wuxuuna soconayaa ilaa 31-da bisha toddobaad ee sanadkan.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in barnaamijkan lagu qarash gelinaya lacag dhan 8 bilyan oo shilin halka lagu wado in ay ka faa’iidaan 25 milyan oo kenyaan ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in isku celcelis ahaan kiisaska duumada ee gudaha dalka oo sanadkii 2015-kii ahaa boqolkiiba 8% ay hadda yihiin boqolkiiba 5.6%.
Macluumaadka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa muujinaya in sanad kasta gudaha Kenya cudurka duumada ay ugu dhintaan 20,000 qof halka tiradan ay guud ahaan caalamka tahay 400,000.
Sidoo kale boqolkiiba 18 dadka bukaan socodka ah ee isbitaallada u tago talasiinta dhakhaatiirta waxaa loo aaneeyaa duumada halka tirada bukaanka isbitaallada loo seexiyo xanuunkan ay tahay boqolkiiba 5 .
Tan iyo bishii sagalaad ee sanadkii 2019-kii in ka badan 190,000 oo carruur ah ayaa qaybaha kala duwan ee dalka looga tallaalka xanuunka duumada.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo maanta caalamka looga dabaaldegay maalinka adduunka ee duumada.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegtay in xanuunkan la dabar gooyn karo hadii dhaqaale ku filan loo qoondeeyo dadaallada lagula dagaallamaya.
In kasta oo duumada ay leedahay ka hor tag iyo daaweyn labaduba haddana waxaa halis ugu jiro in ka badan 3 bilyan oo qof.
Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO sanadkii 2019-kii waxaa caalamka laga diiwaangeliyay qiyaastii 229 milyan oo ah kiisaska cudurka duumada waxaana u dhintay 409 000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here