Golaha barasaabyada oo dhakhaatiirta ka dalbaday inay soo afjaraan shaqo joojinta

0
177

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro ka dalbaday in ay dib ugu laabtaan xarumaha caafimaadka ee ay ka howlgalayeen.
Golaha ayaa sheegay in shaqo joojinta dhakhaatiirta ay ka dhalatay saameyn wayn oo ay ka mid tahay dhimasho.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ,Muthomi Njuki ayaa sheegay in saraakiisha caafimaadka laga doonaya inay dib ugu soo laabtaan miiska wada xaajoodka si kenyaanka looga dulqaado culeysyada ay wajahayaan.