Dowladda dalka Australia iyo Boqortooyada United Kingdom ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxay ka digeen in duqeymaha ay horseedi karaan cawaaqib xumo daran haddii ay Israa’iil ka dhabeyso qorshaheeda ah in ay duullaan dhuleed ku qaado magaalada Rafah.
Waddamadan ayaa maanta bayaan si wadajir ah u soo saaray waxayna walaac xooggan ka muujiyeen dhibaatooyinka baniaaddanimo ee ka taagan Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Penny Wong iyo dhigiisa gaashaandhigga Richard Marles ay magaalada Adelaide ku marti geliyeen xoghayeyaasha arrimaha dibadda iyo difaaca ee UK ee kala ah David Cameron iyo Grant Shapps.
Wasiirrada ayaa sheegay in dadka ka barakacay Qaza ay maciin bideen Rafah maadaama aynan haysan meelo ay ku badbaadi karaan.
Waxay arrintan ku soo beegmaysa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ansixiyay in weerar lagu qaado magaalada Rafah oo hooy u ah in ka badan 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ka qaxay duqeymaha Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Dooxa ee dalka Qatar ay ka socdaan wada xaajoodyada lagu raadinaya heshiis xabbad joojin oo dhaqan gala.
Waxaa dhexdhexaadinta Israa’iil iyo Xamaas qayb ka ah Maraykanka , Qatar iyo Masar.




