Adeegga qaran ee booliiska ayaa meesha ka saaray in badan oo ka mid ah bar-kontoroollada laga sameeyay waddooyinka.
Waxaa sidatan sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in bar-kontoroollo kale oo istaraatiiji ah ay sii jiri doonaan sababo amni awgood.
Tani ayuu hoosta ka xarriiqay in lagula tacaalaya falal dambiyeedyada abaabulan sida argagixisannimada, tahriibka, kala gudbinta hubka iyo maandooriyaha sharci darrada ah iyo badeecooyinka kontaraabaanka ah.
Waxaa uu wasiirka dhanka kale ka qoomameeyay dib u dhaca ku yimid bixinta baasaboorrada dalka iyo dokumeentiyada kale ee muhiimka u ah muwaadiniinta.
Kindiki ayaa sheegay in si caqabaddan loo xalliyo in dowladdu ay bixisay 380 milyan oo shilin oo ahayd deyn lagu yeeshay waaxda socdaalka ee dalka.
Waxaa ay lacagtan ka maqnayd shirkado waaxda ay qandaraasyo siisay.




