Ururka ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ee MOA ayaa dhaliilay howlgal qaran oo dhanka taraafikada ah oo la billaabay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dhawaan kordheen dhacdooyinka shilalka ee dalka.
Hasa ahaate guddoomiyaha ururka mataatuuleyda ee MOA ,Albert Karakacha ayaa sheegay in dhacdooyinkii dhawaan la soo tabiyay ay saameeyeen basaska dugsiyada , baabuurta xamuulka sidaasi awgeedna aynan ku lug lahayn mataatuuda.
Waxaa uu sheegay in marnaba aynan maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee NTSA ka oggolaan doonin inuu saraakiishiisa waddooyinka ka howlgeliyo.
Mas’uulkan ayaa ku doodaya in howlgalka qaran ee billowday uu fursad siin doono musuqmaasuqa.




