Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa daahfuray qalab casri ah oo dalka la soo gaarsiiyay.
Waxaa uu sheegay in agabkan uu yahay qaybtii ugu horreysay ee ay wasaaraddu la wareegtay.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in agabkan oo ah mid heer sare ah uu door wayn ka qaadan doono howlgalka amni ee loogu magacdaray Maliza Uhalifu ee lagu cirib tiraya falal dambiyeedyada.
Waxaa uu wasiirka tilmaamay in adeegsiga qalabkan ay xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah dembiyada abaabulan iyo argagixisannimada.




