Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha India oo ka wada hadlay arrimaha Ukraine

0
284

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi kala hadlay duullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow weli ka wado Ukraine.
Modi ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha caalamka ee Putin ugu hambalyeeyay in dhawaan mar kale loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee Ruushka.
Dowladaha reer galbeedka ayaa doorashadii uu ku soo baxay ku tilmaamay mid aan u dhicin si xor iyo xalaal ah.