Midowga Yurub oo Kenya ugu deeqay 12 baabuur ah

0
228

Midowga Yurub oo kaashanaya adeegga caawimaadda qaran ee dhanka sharciga ee (NLAS) ayaa dowladda Kenya ku wareejiyay baabuur gaaraya 12.
Gawaaridan ayaa loo isticmaali doonaa fududeynta helidda adeegyada cadaaladda ee guud ahaan dalka.
Xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada uu siiyo Kenya ee lagu xaqiijinaya in qaybaha kala duwan ee bulshada ay cadaalad helaan.
Waxaa uu Muturi hoosta ka xarriiqay in dastuurka wadanka uu xoojinaya in la taageero kooxaha nugul iyo kuwa horay loo gacan bidixeeyay.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in baabuurta ay ku deeqday EU-da loogu adeegi doono shacabka ismaamullada Wajeer, Mandera, Lamu, Tana River, Garissa, Marsabit, Isiolo, Kisumu, Nairobi, Mombasa, Uasin Gishu iyo Nakuru.
Waxaa uu intaasi ku daray in adeegga caawimaadda qaran ee dhanka sharciga ee NLAS uu ku dadaalaya sidii uu adeegyadiisa u gaarsiin lahaa 47-da ismaamul ee dalka.
Justin Muturi ayaa laga soo xigtay in marka laga soo tago in bulshooyinka ku dambeeya dhanka horumarka laga caawiyo helidda cadaaladda in sidoo kale wacyigelin loo sameyn doono.
Danjiraha Midowga Yurub ku matasha Kenya ,Henriette Geiger ayaa sheegtay in ay barnaamijkan ku bixiyeen lacag dhan 70 milyan oo euros.
Waxay ku tilmaantay maalgelintii ugu waynayd ee dhanka cadaaladda ee uu Midowga Yurub ka sameeyay Afrikada saxaraha ka hooseysa.