Labo qof oo ka mid ah rayidka ismaamulka Samburu ayaa laamaha ammaanka ku wareejiyay qori nooca AK47 ah iyo xirmo rasaas ah.
Saraakiisha booliiska ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadkan ay hubka sharci darrada ah soo dhiibeen iyagoo aynan cidna qasbin.
Ciidamada ayaa intaasi ku daray in hubkan lala xiriirinaya qof ku lug leh dhacdooyinka xoolaha lagu dhaco ee ismaamulkaasi.
Waxaa hubka loo gacan geliyay saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Sere Olipi .
Laamaha ammaanka ayaa dadweynaha ku boorriyey in haddii ay jirto cid adeegsanaysa hub sharci darro ah inay dowladda ku soo wareejiso.
Dowlad deegaanka Samburu ayaa ka mid ah ismaamullada ay ku badan yihiin falalka dhaca xoolaha iyo burcadnimada oo loo aaneeyo isticmaalka hubka sharci darrada ah.
Sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii dadaallo ay dowladdu sameysay 6-da ismaamul ee ku yaalla Waqooyiga Gobolka Rift Valley looga soo helay in ka badan 140 hub ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa marar badan sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay la wareegto hubka sida sharci darrada ah ugu jiro gacmaha shacabka.
Howlgallo ay hoggaaminayaan ciidamada booliiska oo garab ka helaya kuwa militariga ayaa hubka sharci darrada ah looga uruurinaya shacabka ismaamullada Samburu, West Pokot, Elgeyo Marakwet, Turkana, Baringo iyo Laikipia.
Kindiki ayaa sheegay in ololaha hub ka dhigidda rayidka uu socon doono ilaa iyo inta laga soo afjaraya falalka burcadnimo lagana xaqiijinaya badqabka muwaadin kasta.