Dowladda oo qorsheynaysa in adeegga intarneetka la gaarsiiyo guriyo dhan 8.4 milyan

0
193

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in bartilmaameedsigeeda uu yahay sidii adeegga intarneetka lagu gaarsiin lahaa 8.4 milyan oo guriyo ah ugu dambeyn sanadka 2027-da.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha waaxda isgaarsiinta ee dalka Edward Kisiang’ani oo ka qayb galay madasha qaran ee kaabayaasha muhiimka ah ee dadweynaha ee (NPKI) oo lagu qabtay Nairobi.
Waxaa uu xoghayaha carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay intarneetka gaarsiin doonto degmooyinka iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha korontada ee shirkadda KPLC.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhaqangelinta mashruucan ay ku bixi doonto qiyaastii 10 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa laga soo saaraya sanduuqa adeegga guud ee (USF).