Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay agaasimaha iskaashiga horumarineed ee Talyaaniga

0
138

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kula kulmay agaasimaha guud ee iskaashiga horumarineed ee wasaaradda arrimaha dibadda wadanka Talyaaniga Mr .Stefano Gatti.
Mas’uulkan ayaa hoggaaminaya wafdi dowladeed oo soo gaaray Kenya.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Talyaaniga uu soo billowday Lixdameeyadii oo ayna ka wada faa’iideen shacabka iyo dowladaha labada waddan.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in dalalkan ay ka mideysan yihiin aragtidooda ku aaddan arrimaha caalamka.
Waxaa uu xusay in shirkii dhawaan qabsoomay ee u dhexeeyay Talyaaniga iyo waddamada qaaradda Afrika uu heer cusub gaarsiiyey xiriirka Kenya iyo Talyaaniga.
Arrimahan ay labada dhinac ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah barnaamijyada wax soo saarka beeraha , tamarta nadiifka ah iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada.
Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in wafdiga uu hor kacaya Mr .Stefano Gatti uu dabagal ku sameynaya dhaqangelinta qorshayaal ay waddamadan ku heshiiyeen.