Maraykanka oo mar kale xaqiijiyey taageerada uu siinaya Ukraine

0
102

Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan marnaba oggolaan doonin in Ukraine ay burburto.
Arrintan ayuu warfidiyeennada u sheegay xilli uu furayay kulan ay dalka Jarmalka ku yeelanayaan taageerayaasha caalamiga ah ee Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu soo warramaya in ciidamada Ukraine ay wajahayaan gabaabsi dhanka hubka ah.