Dowladda Moldova oo eriday safiirkii Ruushka

0
185

Dowladda dalka Moldova ee Bariga qaaradda Yurub ayaa wadankeeda ka eriday danjirihii halkaasi ku matalayey Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moldova ayaa laga soo xigtay in safiirka uu gobolka gooni isu taagay ee Transnistria ka furay goobo codbixin xilligii ay doorashada guud ka dhaceysay dalka Ruushka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay dowladda dalkaasi tallaabo xushmad darro laga dheehan karo ay ku tilmaantay in gobolkaasi laga furo goobo codbixin.
Xukuumadda Chișinău ayaa taasi ku sheegtay mid xadgudub ku ah gobonnimadeeda.