Ugu yaraan 11 ka mid ahaa ardayda jaamacadda Kenyatta oo shil ku dhintay

0
319

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 11 arday oo dhiganayay jaamacadda Kenyatta ay shil ku geeriyoodeen .
Tani ayaa timid ka dib markii baska jaamacadda oo marayay aagga Maungu oo u dhow magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ay isku dhaceen mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Waxaa shilka iyo khasaaraha ka dhashay xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Voi Dasala Ibrahim.
Baska ayaa xilligaasi ku wajahnaa Mombasa.
Waxaa isbitaallada kala duwan la geeyay 42 arday oo ay dhaawacyo soo gaareen.