Waxaa geerideeda la xaqiijiyay Rita Tinina oo ka mid ahayd wariyaasha dalka.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Kileleshwa ee magaalada Nairobi.
Waxaa sidoo kale geerida Rita xaqiijisay warbaahinta NTV ee ay ka howlgalaysay.
Abaare 5-tii galabnimo ee maanta ayaa meydkeeda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Umash Funeral Home .
Waxaa geerideeda ka tacsiyadeeyay wariyaal iyo mas’uuliyiin kala duwan.