Madaxweyne ku xigeenka dalka oo wadayaasha basaska dugsiyada ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan

0
237

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa wadayaasha basaska dugsiyada ku boorriyay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka ee galaafta nolosha ardayda iyo macallimiinta.
Waxaa uu sheegay in da’yarta ay yihiin mustaqbalka qaranka sidaasi awgeedna la doonayo in laga shaqeeyo xaqiijinta badqabkooda.
Gachagua ayaa hadalkan maanta jeediyay xilli uu tacsi u dirayay ardayda , macallimiinta iyo waalidiinta dugsiga sare ee Kapsabet ee ismaamulka Nandi .
Shalay ayay ahayd markii ay macallin iyo arday ku dhinteen shil saameeyay bas uu dugsigaasi leeyahay xilli uu marayay waddada u dhexeysa Kabarnet iyo Marigat .
Rigathi Gachagua oo farriinta tacsida ah gudbiyay isagoo matalaya madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay dugsiga sare ee Kapsabet ku taageeri doonto ka soo kabashada saameynta shilka.