Xamaas oo soo jeedisay qorsho lagu soo afjaraya duullaanka Qaza

0
263

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay inuu dhexdhexaadiyaasha Masar, Maraykanka iyo Qatar u bandhigay soo jeedin horseedi karta in laga gudbo duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa soo jeedinta Xamaas ka mid ah in ay siidaayaan maxaabiista ay gacanta uga dhigeen Israa’iil si ay xurriyad u helaan Falastiiniyiinta u xiran Israa’iil.
Xamaas ayaa hoosta ka xarriiqday in ay mudnaanta koowaad siinaysa xaqiijinta xuquuqda iyo wax ka qabashada tabashooyinka dadkooda.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa inay heshay nuqulka soo jeedinta ururka Xamaas waxaana qorshahan qayb ka ah in marka ugu horreysa la siidaayo maxaabiista haweenka, carruurta iyo waayeellada ah.
Tani ayay doonayaan in Israa’iil ay kaga falceliso in ay xabsiyadeeda ka siidayso 700 ilaa 1,000 Falastiiniyiin ah oo ku jira.