Maxkamadda Mombasa oo diiday in ay damaanad ku siidayso 39 eedeysanayaal oo uu Mackenzie ka mid yahay

0
182

Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ayaa diiday in ay damaanad ku siidayso baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo 38 waalidiin ah oo carruurtooda laga soo samata bixiyay keynta Shakahola.
Garsoore Nelly Chepchirchir oo ka howlgasho maxkamadda Tononoka ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay cuskatay sababo maangal ah oo aan lagu siidayn karin eedeysanayaasha maadaama laga cabsi qabo in ay farageliyaan marqaatiyaasha.
Hasa ahaate waxay garsooraha ballan qaadday in ay dardargelin doonto dhageysiga kiiskan si dhammaan dhinacyada uu khuseeya ay cadaalad u helaan.
Paul Mackenzie iyo 38-da qof ee kale ayaa loo haystaa inay carruurta kula kaceen jirdil, arxaan darro , dhibaateyn iyo inay caqabad ku noqdeen xuquuqda ubadka ee helidda tacliinta.
Balse waxay dhammaantood iska fogeeyeen ilaa 17 eedeymo ah oo loo jeediyay.