3 qof oo lagu dilay Moyale

0
224

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof lagu dilay deegaanka Moyale ee ismaamulka Marsabit.
Tani ayaa timid ka dib markii muran laga soo tabiyay goob dahabka laga soo saaro.
Muranka oo u dhexeeyay kooxo iska soo horjeeda ayaa isku beddelay gacan ka hadal ka dib markii ay dhinacyadan ay isku fahmi waayeen soo saaridda dahabka.
Waxaa isku dhici ugu horeeyay lagu dilay hal qof.
Sidoo kale ugu yaraan 8 qof oo la dhaawacay ayaa la geeyay isbitaalka heerka Afaraad ee Moyale Level 4 si loo daaweeyo.
Warbixinta saraakiisha saldhigga booliiska ee Dabel waxaa ku cad in maanta goobtaasi labo qof oo kale lagu dilay.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in labo ka mid ah dadka lagu dilay Moyale ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Itoobiya waxaana hadda socdo baaritaan dheeraad oo arrinkan ku aaddan.